Duqeymihii Ugu Dambeeyey Ee Alshabaab Lala Eegtay Ayuu Mareykanka Faah Faahiyay

0
72

Taliska ciidamada militariga Mareykanka Afrika ee Africom loo soo gaabiyo war qoraal ah oo ka soo baxay ayaa lagu faah faahiyay weeraro dhanka circa ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya maalmihii la soo dhaafay,iyagoo ku bartilmaameedsaday saldhigyo Alshabaab ay lee yihiin.

Lix weerar oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug Bishan November ayaa lagu dilay ilaa 55 ka tirsan saraakiisha kooxdaasi ka tirsan.

Talisku ayaa sheegay weerarkii ugu dambeyeey in lagu dilay ilaa 3 xubnood oo ka tirsan Alshabaab,iyagoo ay sii xoojin doonaan howlgaladaasi si Alshababa looga saaro Soomaaliya sida ay sheegeen.

Ciidamadu ayaa la tilmaamay in ay fuliyeen weeraradasi iyagoo ka feejigan in aan wax dhibaato ah soo gaarin shacabkataasina lagu guuleystay sida Africom ay sheegatay.

Mareykanka ayaa sheegay in ilaa 36 weerar uu ka fuliyay Soomaaliya sanadkan 2018 gudihiisa,kuwaasi oo ujeedku ahaa burburinta iyo beegsiga xarumaha shabaab ay leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here