Cudurka Kansarka (Cancer) oo dawo loo helay (War-bixin)

0
191

Hey’adda cuntada iyo dawada ee dalka Mareykanka (FDA)ayaa ansixisay dawada ugu horeysay Caalamka oo lagu daweynayo cudurka Canser-ka taasoo loo adeegsan karo caruurta iyo dadka waa weyn intaba.

Dawada  Vitrakvi (larotrictinib) oo lagu sheegay inay dawo u noqonayso Canser-ka ayaa la leeyahay waxa ay la tacaalaysaa (daweynaysaa) isbedelada Hido-sidayaasha Canser-ka uu haleelay, ayadoo loo eegayo nuuca burada iyo meesha uu ka soo unkamay cudurka.

“Ansixinta iyo soo saarista dawadani waa talaabo muhiim u ah daweynta Cudurka Canser-ka, sababtoo ah waxay daweyneysaa meesha uu ka soo bilowday, waxayna la tacaaleysaa gundhiga hida-sidayaasha burada Canser-ka meel kasta oo jirka ka mid ah” Ayuu yiri Scott_Gottlieb oo ka tirsan heyadda FDA. 

Gottlieb ayaa xaqiijiyay Dawada cusub inay ka saacideyso bukaanka canser-ka qaba inuu helo dawada saxda ah. Vitrakfi sidoo kale waxay ka caawineysaa inay daweyso bukaanada la ka cabanaya nuucyada kala gadisan ee Canser-ka balse ay wadaagaan hidisidayaasha xanbaarsan cudurka. 

Dr. David Hayman, Madaxa xarunta horumarinta Dawada ee fadhigiisu yahay Magaalada New-york oo ka hadlay Dawada cusub ee Cudurkani ayaa yiri “Caadiyan cudurka Canser-ka waxaa lala tacaali jiray uun in la joojiyo koriimada xad-dhaafka ah ee unugyada uu haleelay Canser-ka, balse iminka waxay Dawadu sameynaysaa jirka oo dhan, sababtoo ah waxaa hada la daweynayaa aas-aaska hidasidaha sababay bilaabashada Canser-ka”

Dawada cusub ee Canser-ka waxaa lagu tijaabiyay Aadamiga, waxaana la diiwaan galiyay wiil yar oo caafimaaday ka dib markii la siiyay dawada bilo gudahooda. Dawada ayaa loo qaadan doonaa laba hab; Habka 1aad ayaa noqonaya Kaniini ama Kaabsol (Tablet or capsules) iyo habka 2aad oo laga dhigayo Sharoobo (Syrup) ay qaadan karaa caruurta. 

Cudurka #Kansarka ayaa ah cudur malaayin qof ay u dhintaan sanad kasta guud ahaan Aduunka, waxaana dadka qaba lala tacaali jiray uun dawo kiimiko ah oo waxyeelo ba’an gaarsiisa jirka aadanaha. 

Dawada Cusub ee #Kansarka ayaa farxad u noqonaya malaayiin qof oo la ildiran cudurkan. Dadka ku nool Dowladaha dunida 3aad sida Afrika ayaa cudurka ogaada marka uu gaaro heerka seddexaad taasoo inta badan aan wax laga qaban Karin.

Xigasho: Hussein Sahnuni

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here