Akhriso: Eng. Yarisow muxuu kala hadlay madaxdii uu kula kulmay Nairobi? +Sawirro

0
74

Cabdirixmaan Cumar Cusmaan Eng.Yarisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Nairobi kula kulmay Donald Yamamoto Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya iyo Jeffry Bakkan Madaxa USAID.

Yarisow ayaa Yamamoto uga sheekeeyay horumarrada Gobolka Banaadir, dadaallada dib u dejinta barakacayaasha, caqabadaha dhanka amniga iyo hiigsiga Maamulkiisa.

Yamamoto ayaa ku bogaadiyey maamulka Gobolka qorsheyaashooda horumarineed iyo xaqiijinta hiigsiyadooda, isagiina xusay horumarka, amniga iyo bilicda Caasimadda sida ay uga go’an tahay in ay kaalin ay ka geystaan Mareykanka.

Sidoo kale Guddoomiye Yariisoow iyo Madaxa USAID ayaa ka wada hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen shaqo abuurka dhalinyarada Caasimadda iyo dhismaha golleyaasha deegaanka ee dhowaan la qorsheynayo in laga hirgeliyo soomaaliyan.

Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa kulan kale la qaatay Mette Knudsen Danijiraha Denmark u fadhisa Soomaaliya iyagoona isla soo qaaday dardar gelinta taageerada ay u fidiyaan Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here