Trump ayaa ku goodiyay in uu baajinayo kulan uu la lahaa Madaxwynaha Ruushka

0
51

Ruushka markii lagu eedeyey faragelinta siyaasadeed oo dhinaca arrimaha dalka Ukraine ah ayuu Donalda Trump Madaxweynaha Mareykanka oo u waramayay The Washington Post ku hanjabay in uu baajinayo kulan la qorsheynaayo in uu la yeesho Fladamir Putin madaxweynaah Ruushka.

Dhawaan ayay Ciidamada Badda Ruushka weerar ku qaadeen maraakiib ay lahaayeen ciidamada Ukraine,islamarkaana ay ka qabsadeen taasi oo keentay in Trump uu ku hanjabo in uu ka baaqsan doono kulankaa gaar ah.

Todobaadkan dabayaaqadiisa ayay ku shirayaan magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina Hogaamiyaasha wadamada ku horumaray Warshadaha ee G20 loo yaqaano,iyadoo kulan doceed la qorsheynayay in uu dhex maro madaxda Mareykanka iyo Ruushka.

Petro Poroshenko madaxweynaha Ukrain ayaa soo rogay xaalada deg deg ah oo dhinaca xuduudaha dalkiisa uu la wadagao Ruusha la saarayo arrinkaasoo uu baarlamaanku ansixiyay.

Heather Nauert oo u hadashey aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegtay in dolwadad Mareykanka ay danaynayso in Ruushka xayiraada adag la saaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here