Sawirro: R/wasaare Khayre oo xalay kormeer ku sameeyey qeybo kamid ah Muqdisho

0
54

Xasan Cali khayre   Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyey Waddooyinka maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado Howlaha Nadafadeed isagoo qaybo ka mid ah Muqdisho kulamo xog wareysi ah kula soo qaatay Bulshada Qaar ka mid ah,

kormeerkaan uu ku tagey khayre   qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen   in ay socdaan  howlo lagu  xoojinayo   Nadaafadda iyo bilicda Muqdisho.

Adan ISaaq Cali Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dowladda  muhiimada weyn siinayso  Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo arrinkaasi.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa  kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu  la qaatay dadkii ku caweynayey  waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here