Xukuumadda Soomaaliya Iyo Qaramada Midoobe Oo War Ka Soo Saaray Qaraxyadii Ka dhacay Muqdisho Iyo Gaalkacyo.

0
68

Daahir Maxamuud Geele Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa cambaareeyay Qaraxyadii ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo, Isagoo Ehelada dadkii ku waxyeeloobay uga tacsiyeeyay Dadkii ku nafwaayay qaraxyadaasi waxaana uu kuwa ku dhaawacmay in uu bogsiiyo Alle uga baryay.

Wasiir Geelle ayaa Shacabka uga mahad celiyay sida ay ula shaqeynayaan Ciidamadda Amniga, isagoo ugu baaqay inay laba jibaaraan si looga adkaado Cadowga beegsanaya dad aan waxba galabsan sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Nicholas Haysom Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo iyo caasimadda ee lagu dilay sheekh caan ah iyo dad rayid ah.

Haysom ayaa yiri  “Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka,”.

Wuxuuna intaasi raaciyay  “Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here