AKhriso: Maamuleyaal Iskuul Oo Si Gooni Gooni Ah Loogu Dilay Muqdisho Iyo Afgooye

0
48

Dableey hubeysan ayaa xalay fiidkii Muqdisho waxaa ay ku dishay Maamule Iskuul oo lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xuseen.

Xaafadda Kooka Koola ee Degmada Yaaqshiid ayuu ka dhacay dilka goobta gaaray Ciidamada dowladda dilka kaddib xilli ay ka baxsadeen goobtaasi kooxdi falka ka dambeysay.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay dilka loo geystay Macallin Xuseen Maxamed Xuseen oo ahaa maamulaha Iskuulka Al-Kifaaf ee xaafadaasi.

Dhinaca kale wararka naga gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen nin ahaa maamulo iskuul xilli uu ku sugnaa Xafiiskiisa.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Mahad wuxuuna ahaa maamulaha Iskuulka Daarul Amal oo ku yaalla degmadaasi.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Bil ka hor ayeey aheyd markii Xaafadda Suuqa Xoolaha qaybta Degmada Yaaqshiid lagu dilay laba macalin oo Iskuul ku yaalla halkaasi wax ka dhigi jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here