Wufuud ka socota golaha amniga iyo nabadda Midawga Afrika oo Soomaaliya ku jooga Hawl-gal Qiimayn ah

0
61

Toban iyo shan Xubnood oo ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada ee Midawga Afrika ayaa Soomaaliya u yimid si ay u qiimeeyaan xaaladda amniga iyo siyaasadda dalka.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudaneAbdulkadir Ahmedkheyr, saraakiil kale oo dawladda ka socota iyo wakiilka midawga Afrika ee Somalia, Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa wafuudda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wafdiga ayaa inta ay Muqdisho joogaan waxa ay wadahadallo la yeelanayaan madaxda DFS, dawlad gobaleedyada, hoggaanka AMISOM, Saraakiisha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Bahwadaagta Soomaaliyeed ee Caalamiga ah.

Booqashada wafdiga oo qaadanaysa mudda sedax maalin ah ayaa sidoo kale waxa ay ujeedadeedu tahay in lagu hubiyo hourarrada laga gaaray qorshaha mas’uuliyadda amniga ay kula wareegayso dawladda Soomaaliya.

Golaha amniga iyo nabadgelyada ee Midawga Afrika  waxa ay doonayaan in ay xaqiijiyaan in sidii ku tala galku ahaa loo dhaqangeliyay qorshaha kala guurka iyada oo lagu hoos shaqaynayo xayndaabka amniga qaranka dalka

Wafdiga ayaa sidoo kale ay xaqiijinayaaan in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya loo tababay loona qalabaeeyay si horumar leh si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amniga dalka.

Dhanka siyaasadda, Wadfiga waxa ay doonayaan in ay xog dheeraad ah ka helaan halka ay marayso xaaladda siyaasadda dalka iyo doorashooyinka kaabiga nagu soo haya ee dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here