Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Shirka dhaqaalaha badaha ee Nairobi

0
89

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khudbad ka jeediyay shirka dhaqaalaha badaha ee maanta ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

Shirkaan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika

Wufuudda Soomaalida ah ee ka qayb galaysa shirja waxaa kamid ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here