Dagaal Xooggan oo wali ka socda Gaalkacyo iyo Khasaaraha oo Isi-soo taraya

0
69

Waxaa isa-soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee lagu qaaday Xarun uu Koonfurta Gaalkacyo ku leeyahay Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Cabduweli Cilmi Yare.

Weerarkaasi oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay shabaab ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen 20 ruux oo ay kamid yihiin Sheekh Cabduweli Cilmi Yare iyo qaar ka mid ah Dhalinyarada ka mid aheyd xertiisa

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Galmudug iyo raggii hubeysnaa ee galay Xarunta uu ka socdo gudaha Xarunta.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here