Ciidanka Dawladda oo ka hor tegay Gaari ay ka buuxaan Walxaha qarxa oo la doonayay in lasoo geliyo Muqdisho

0
61

Ciidanka Boliska Soomaaliya ayaa Ka hor tagey gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa kaa oo la doonayey in la soo galiyo Gudaha Magaaladda Muqdisho.

Ciidanka ayaa Gaarigaa ku joojiyay bar lagu hubiyo Gaadiidka oo ku taalla deegaanka Kaawa Godey ee Duleedka Degmada Wadajir.

Wararku waxa ay sheegayaan in darwalkii Waday Gaarigaa uu ka degay isla markaana isku dayey in uu baxsado markii ciidanku joojiyeen balse Ciidanka ay ku guuleysteen in ay qabtaan isagoo Nool.

Gaarigii ciidanku ay qabteen ayaa isana qarxay sida ay sheegayaan laamaha amnigu.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen dad ku sugnaa maqaayad ku taalla agagaarka barta Kantarool ee ciidanku ku joojiyeen gaariga qarxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here