Muuse Biixi oo maanta booqday Tuka-raq

0
52

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Laascaanood isago oo markii dambe uga sii gudbay deegaanka Tuka-raq oo ay dhawaan ka dhaceen dagaal beeleedyo, sida uu BBC-da uu u xaqiijiyay Afahayeenka madaxtooyada Somaliland,Maxamuud Warsame Jaamac.

Afahayeenka wuxuu sheegay in madaxweynaha uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanka Tuka-raq iyo ciidammada halkaasi joogaba inay nabadda ka shaqeeyaan ayna iska foggeyaan tallaabo kasto uu dhiig ku daadan karo.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo isu socodka iyo wada noolaanshaha buulshooyinka wada dego halkaasi.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay Laascaanood ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Degaanka Tuka-raq waxaa horraan ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidammada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo ciidammada Puntland.

Deegaanka Dhumay oo aan sidaas uga foggeyn magalaada Laascaanood waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo ay ku dhinteen badan kuwaaso oo saameynku yeeshay nolosha dadka reer miyiga.waxaana socday dadaallo lagu xallinyay colaadda.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here