Rag oo looga shakisan in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo weerar afduub ah ka geystay Kenya

0
81

Rag hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar iyo afduub ka geystay deegaanka Kilifi ee Gobolka Xeebta ah ee Kenya.

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhaawacmay weerarka, markii dabley hubeysan ay gudaha u galeen xarun ganacsi oo laga dukaameyso oo ku taalla Chakama oo ka tirsan Gobolka Kilifi.

Dableyda hubeysan ayaa la sheegay inay afduubteen haweeney 23 jir u dhalatay Talyaaniga oo u shaqeyneysay Hey’adda NGO ah.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in weerarkaas ay tuhunsan yihiin inay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, hase ahaatee sanado ka hor Al-Shabaab ayaa dad ajaaniib ah ka soo afduubtay gudaha Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here