NISA oo gacanta ku dhigtay xubin ka tirsan Kooxda Daacish

0
84

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ku soo qabteen xubin ka tirsan Daacish.

Sida algu daabacay barta Twitter-ka NISA howl galkan ayaa dhacay 19-kii bishan oo ku beegneyd Isniintii abaarihii 11-ka fiidnimo.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkan uu u dhacay sidii loogu tala galay, isla markaana ciidamada ay si taxadar leh u fuliyeen, iyadoo aanay cidi wax ku noqon.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in soo qabashada xubintan ka tirsan Daacish ay kala dhantaaleyso dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

NISA ma shaacin tirada iyo Magacyada Xubnaha ay sheegeen inay qabteen ee ka tirsanaa Kooxda Daacish, waxaana NISA inta badan ay sheegtaa in hwolgallada ay fuliyaan ku soo qabtaan xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here