Madaxweynaha Dalka iyo Amiirka Qatar Bin Xamad oo ku kulmaya Talyaaniga

0
84

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad oo isaguna booqasho ku jooga dalka Talyaaniga.

Booqashadan oo ah markii ugu horeysay oo mid weliba uu Talyaaniga tago ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan  in qorsha iyo barnaamijka labada mas’uul uu ku jiro inay is arkaan.

Dowlada Federalka ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu booqasho 3 cisho ah ku joogi doono dalka Talyaaniga halka Amiirka Qadar  Amiir Tamiim ay Roma uga bilaabatay booqasho 2 cisho ah.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qatar u booqday 2 jeer, May 2017 iyo May 2018, isaga oo xiriir fiican la leh Doxa, go’aan dhex-dhexaadnimo ahna ka qaatay xiisaddii Khaliijka.

Hase yeeshee dhowaan ayaa waxaa booqasho ku tegey Boqortooyada Sacudi Carabiya Ra’iisul Wasaare Kheyre isagoo la kulmay boqorka Sacudiga iyo dhaxalsugaha boqortooyada Sacudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here